BIYO LA,AAN BAAHSAN OO SOO FOODSAARTEY DEEGAANO KA TIRSAN GOBOLKA BARI

Ka dib socdaal saacado badan qaatay markii ay ku gaareen deegaano wax badan ka fog laamiga saraakiil ka tirsan Hay,adda Biyaha Puntland PSAWEN iyo Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane waxay ugu kuurgaleen xaalada abaareed ee ka jirta deegaano hoosyimaada Degmada UFEYN ee Gobolka Bari.

Socdaalkan oo ahaa mid aanu ku marnay dhul masaafo dheer ayay ku qotontay halista ka jirta biyo la,aan baahsan oo soo foodsaartey dad iyo duunyo fara-badan, Islamarkaana waxa ay markii ugu horeysay maanta gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan Wakaalada Biyaha Puntland biyo dhaan Hay,adda UNICEF ay ugu deeqday xaaladaan gurmadka deg dega ah ee ka jirtay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Baaxada iyo Saameynta ay leedahay abaarta ka jirta dhul fara-badan oo ka tirsan deegaanada Puntland ayaa ah mid kasoo dareysa marba marka kasii danbeeya, waxayna iminka raad muuqda ku yeelatay biyo la,aan soo wajahday kumanaan qoys oo ah dadka ku nool tuulooyinka iyo qararka miyiga.

Daawo warbixin xiiso leh oo uu kasoo direy Wariye Abshir Dhiirane Deegaanka Jeedaal oo ku yaala bariga fog ee Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*