Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Hay’adda Biyaha,

ntaasi kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay dhanka magaalada Dhudhub oo ay shacabka malaadasi si diiran u soo dhoweyen madaxweynaha Dawladda Puntland iyo weftigiisa. isla mar haantaana  waxaa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray ceel biyood ku shaqaynaya tamarta cadceed (solar) oo ay hirgelisey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN).

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN) isagoona ku amaanay cadeeyeyna inay tahay haya’d ka shaqaysa rabitaanka shacabka isla markaana ay gacanta ku hayaan shaqaale hawlkarnimo, wadanimo iyo daacabnimo ay ku jirto.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa   soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka karkaar, halkaasi oo uu ku hakan doono mudo kooban kadibna uu hore ugu sii kicitimi doono Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeedey in  gargaakan loogu deeqay dadka abaaruhu saameeyeen uu ku timi halku dhiga ah ‘’Puntland ha isku tashato’’ taas oo ay iska kaashadeen Dawladda Puntland iyo shacabkeeda, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in beesha caalamka iyo cidkasta oo ku foogan arimaha bini’ aadantinimada aanay wax gacana ka gaysan gargaarkan lagu caawinayey dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu saamaysay,balse ay isku tashatay.

Madaxweynaha ayaa in taasi ku daray in Dawladdu ay ku dedaali doonto hirgelinta ceelasha biyaha kuwaas oo laga hirgelin doono dhamaan gobolada Dawladda Puntland weliban laga midhadhalindoono hal kudhiga ‘’ HAL-JID HAL-CEEL’’ si looga gaashaanto biyo la’aanta baaxada iyo dhibaatooyinka ay abaaruhu gaystaan..

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay ceel biyood laga hirgelindoono magaalada xiriiro ee gobolka bari  ceel-kaasi oo ay qodi doonto Haya’ada Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*