PSAWEN OO QALAB BIYOOD MAANTA SIISAY MAGAALOOYINKA PUNTLAND.

Hay,adda Biyaha,Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Puntland (PSAWEN) ayaa maanta ku wareejisay qalab biyood shirkaddaha ka shaqeeya biyo-galinta magaalooyinka Garowe, Bosaso,Gaalkacyo,Qardho, Buurtinle iyo Bacaadweyn,Ka dib munaasabad  ka qabsoontay xarunta hay,addu ku leedahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Hay,adda Biyaha,Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Puntland (PSAWEN) Xirsi Xasan Nadiif ayaa qalabkan si rasmiya ugu wareejiyey masuuliyiinta shirkadaha kala ah NUWACO,GUMCO,HODMAN,GALWA,BWC iyo MAWASO.

Waxaa ka mid ahaa qalabka PSAWEN maanta ku wareejisay shirkadaha biyaha magaalooyinka Puntland , Bumbooyinka biyaha loo isticmaalo,Keeybalada biyaha,Tuuliska biyaha iyo Agabyo kale oo laga soo iibshay qaarada yurup.

Xirsi Xasan Nadiif Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda PSAWEN ayaa sheegey in midowga yurub uu qalabkan ugu deeqay Puntland si loo horumariyo baahida biyood ee dalka ka jirta, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay mudan yihiin shirdaha magaalooyinka in lagu taakuleeyo qalabkan madaama ay shaqo adag dalka usoo qabteen.

1DSCN4056DSCN4057DSCN4058DSCN4060DSCN4065DSCN4069DSCN4076DSCN4079DSCN4080DSCN4087DSCN4090DSCN4099DSCN4105DSCN4109DSCN4116DSCN4119

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*