PUNTLAND OO QORSHE 5 SANO AH U DEJINAYSA NADAAFADDA IYO BIYAHA

psawen.com(garowe)Kulan looga hadlayay qorshaha shanta sano ee soo socota istaraatiijiyadda biyaha iyo nadaafadda Puntland ayay maanta ku qabatay magaalada Garowe Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Puntland oo kaashanaysa Hay,adda UNICEF waxaana kazoo qeyb galay masuuliyiin ka socota wasaaradaha iyo hay,addaha ay qusayso kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka , Hay,adda Biyaha Puntland, Wasaaradda Waxbarashada, Hay,adda HADMA iyo Hay,addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ee Hay,adda UNICEF kala shaqeeya  arrimaha nadaafadda iyo biyaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland  Xuseen Cabdi Jaamac ayaa ugu horeyn ka warbixiyay ajandaha looga hadlayo shirka iyo wuxuu ku saabsansan yahay,Waxaana furay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Siciid Farah Oja oo ka hadlay muhiimiyadda biyaha iyo nadaafadadu u leeyihiin noloshada dadka iyo sida biyuhu ahmiyadda 1aad ugu yihiin Dowlada Puntland .

Siciid Oja ayaa ugu baaqay hay,adda UNICEF iyo Hay,addaha kale ee kala shaqeeya biyaha iyo Nadaafadda inay Dowlada Puntland gacan ka siiyaan horumarinta biyaha iyo nadaafdda.

Madaxa guud ee biyaha iyo caafimaadka heer Soomaaliya Hay,adda UNICEF Mr Dara oo ka hadlay kulankaan ayaa balanqaaday inay dowlada Puntland kala shaqeynayaan horumarinta biyaha iyo arrimaha caafimaadka, wuxuuna sheegay inay gacan dhow ka geysan doonaan dejinta qorshaha shanta sano ee ku saabsan biyaha iyo Nadaafadda Puntland.

dsc09972dsc09971dsc09970dsc09969dsc09968dsc09967dsc09966dsc09965dsc09964dsc09963dsc09962dsc09961dsc09960dsc09959dsc09958

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*